Bogga Ciyaaraha

Luka Modric oo ku biiriya kooxda Chelsea 
 Laacibka qadka dhexe uga ciyaara kooxda Tottenham Luka Modric ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Libaaxyada mad-madow ee Chelsea.

Cayaaryahankan ayaa sheegay in macalinka Tottenham uu horay ugu sheegay in kooxda Blues laga iibiyo,waxaana uu carrabka ku adkeeyey inay ka go,antahay ku biiridda naadiga Chelsea oo xilli ciyaareedkii dhamaaday ku guul darreysatay inay hanato koobab.

Laacibkan reer Croatia (karooshiya) Luka Modric ayaa waxaa uu sheegay in gudoomiyaha kooxda Tottenham uu kala hadlo doono in Chelsea laga iibiyo,waxaana cayaarhankan uu tilmaamay inuusan meel uga socan magaalada London oo ay ku noolyihiin Qoyskiisa.

Luka Modric ayaa 2008 ku soo biiray kooxda Tottenham,waxaana la sheegay in cayaaryahankan uu si weyn uga muuqday Tottenham xilli ciyaareedki dhamaaday,iyadoo saxaafaddu ay aaminsan tahay in tiir culus uu u yahay cayaaryahankaasi kooxda Tottenham.

Kooxda Arsenal ayaa diiday dalab 20 milyan oo gini oo uga imaaday kooxda heysata horyaalka Ingiriiska ee Manchester United,kaasoo United ay ku dooneyso cayaaryahan Samir Nasri.

Macalinka kooxda Gunners Arsene Winger waxaa uu sheegay in cayaaryahankan laga iibin doonin kooxha dalka Ingiriiska, sida ay qortay jariiradda DAILY SPORTS.
by;Samiir sa'eed warsame
Email: newprisedent@hotmail.com 


Tartan Kubadeed oo 1-Luulyo loogu qabtay Oslo kooxo soomaaliyed  
Tartan kubadda cagta ee lagu maamusayay 51 guuradii ka,soo wareegtay israacii labada gobol ee soomaaliya 1dii luulyo 1960 Ayaa lagu qabtay shalay oo ay taariqdu ahayd 2.7.2011 oo ay soo qabanqaabiyeen bahwaynta isborti ee Norway magalada Oslo Waxaa tartankan horjooge u ahaa C/risaq Calasow.
Waxaa tartankan ka qaybgalay 8 kooxood oo ka kala yimid Gobolada dalka Norway runtii waxay soo bandhigeen ciyar wanaag raali giliyay dhamaan dadkii daawaday.



Tartankan ayaa loo qaybiyay kooxihii ku tartamay laba guruub kuwaasoo ahaa gurub A iyo B .

Kooxaha isugu yimid 4ta kama danbaysta ah waxa ay kala ahaayeen Drammen, Holmlia, Dayax, Nuf United Ugu danbayn waxaa isu soo haray finalkii ama kama danbaytii Dayax iyo Nuf united.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxa ay gabagabadii natiijada ku dhamatay 3:3 Waxaa ugu danbayn ku guulaystay gool ku laad ama rigoore kooxdii ku ciyaraysay magaca Dayax Oo ay guusha ku raacday 2:1



Waxaa xiritankii xaflada gudoonsiiyay koobabkii iyo biladihii gudigii isborti ee Somalida Norway.

1-Cabdi jamac farah
2-Saacid c/dulle mahmuud
3-Diiriye socdaal wehliye
4-Cali macalin
5- Maxamed wadka
 
by;samiir sa'eed warsame 
Email:newprisedent@hotmail.com