Saturday, July 30, 2011

Magaca iyo sawirka wiilka Soomaaliga ee ku dhintey Xasuuqii Norway ee jamcadii(Faahfaahin buuxda

Oslo(Puntlandi.com) Xasuuqii ay ku dhinteen 93 da qof ee ka dhacey magaalada Oslo iyo Jasiirada yar ee Utøya oo aan Oslo waxsaasa ka fogey ayaa waxaa kamid ahaa dadka dhintey  Ismail Haji Ahmed oo asal ahaan Soomaali ahaa, waxaa isna ka badbaadey oo la socdey Mohamed Abdi Farah oo loo yaqaaney Mo kuna soo caan baxey barnaamijka X factor ee  TV-ga Norway lagasoo deyn jirey.
Sawirada hoos ka daawo
Wiilkaan Soomaaliga ah oo kamid ahaa intii ka badneyd 650 Dhalinyadii xaflada ku dhiganayey Jasiirada Utøye ayaa Ninkii aadka u hubeysnaa ee Xasuuqa ku geystey Jasiirada uu diley isaga iyo dhalinyaro toboneeyo ah oo isku meel joogey, inkastoo tirada jasiiradaas ku dhimatey ay aheyd in ka badan 85 qof oo mudo sacado gudohood ah uu halkaas nin ku toogtey.
Ninka dilka geystey oo ahaa nin xagjir mintid ah kana tirsanaan jirey xisbiga xag jirka ah wuxuu Xasuuqaan qorsheynayey in ka badan 9 sabo, isagoo bilowgii u horeeyey bilaabey inuu u tabaabusheysto xasuuquu geystey Jamcadii.
Wuxuu ogaa in Jasiirada Utøya ay ku shirayaan dhalinyarada Xisbiga Shaqaalaha ee talada wadanka haya,si uu jaanis fiican ugu helo Xasuuqa wuxuu bileyska iyo Ciidamada Abniga ku mashquuliyey Bomb uu gacantiisa ku sameyey oo 560 kilo ah wuxuu ku qarxiyey sar ku taal bartamaha Magaalada Oslo oo ay Dowlada wadanku degantahey, Ra’iisalwasaaraha Dalkana xafiis u ah, waxa agoobtaas ku dhintey 7 qof.
Ka dib wuxuu markiiba tagey Jasiirada si uu u xasuuqo dhalinayarda xaflada dhiganayey oo 650 kor u dhaafey, wuxuuna isagoo ku hubeysan qoryaha daran dooriga u dhaca uu diley 85 qof wuxuuna dhawacey in ka badan 90 kale.
Waxaa ilaa hada lawaysan yahey 5 dhalinyaro ah.
Waxa kaloo lala yaabey ninkaan wuxuu qorey sidii falkaan u bilaabey tabaabusheysigiisa laga soo bilaabo maalintii kowaad ilaa jamcadii oo aheyd maalintii kama dambeysta aheyd, waxeyna ku qaadatey sagaal sano  inuu isu diyaariyo Xasuuqaan, wuxuu maalin kasta qori jiey buug xasuus ah oo uu ku qorayo wuxuu maalintaas sameeyey, waxaa kamid ahaa Qoraalkiisa, waxaan maanta bilaabey inaa sameeyo waxyaabaha Qarxa, Waxaan soo gatey Qori, waxaan soo gatey oo internetka dalbadey maanta Baaruuda qaraxda oo aan ka dalbadey Polan. wuxuu qori jirey mudo sagaal sano ah falkasta oo uu sameeyo.
Waxaa qoraalkiisa kaloo kamid ahaa “Yurub maalin bay ka xoroobeysaa Islaamka, Waxaa Norway  2082 ka dhacaya  afgabi lagu sameynayo Dowlada waxaana dhalanya Kacaan ka xoreeya Dalka Islaamka, Yurub waxey ka xoroobi doontaa Islaamka
Buugaan oo inka badan 2000 oo warqadood ah waxaa ku qoran sidii u bilaabey inuu sameeyo Momb-ka, waxaa kaloo cajiib aheyd waxaa qoraalkiisa ka mid aheyd “qoraalkaan wuxuu qorey maalmo ka hor jamcadii wuxuuna yiri “Alla marbaan qaldami lahaa waxaan maanta ogaadey in qalad ku jiro fiilooyinka Bombka oo hadaan isku dayi lahaa inaan qarxiyo iimaba qarxeen lakiin maantaan saxey hadana waa diyaar ” wuxuu kaloo qorey “sixitaanka qaladkaas waa inaan u dabaaldagaa” wuxuu markaas tagey makhaayad qaali ah halkasoo uu kasoo cuney cuno fiican iyo dhalo qamri ah
Dadka ku xeel dheer Bomb-ka waxey sheegeen in hadii uusan ogaan laheyn qaladkaas uusan Bombku qarxeen halkaasna dad badan kuma dhinteen.
Bileyka Norway waxey sheegeen in sida uu wax u qorey ay sax aheyd oo uusan ka been sheegin. sagaalkaas sano oo uu usoo tabaabusheysanayey Xasuuqaan wuxuu ku soo koobey Qoraalkaan maalin ka maalin wuxuu sameyn jirey,Anders Behring Breivik wuxuu jirey xiliga uu bilaabayo Qorshaan 23 sano, hadana wuxuu jiraa 32 sano magaciisuna waa
www.samiirs-blogspot.com 
by: Samiir cenation
Newprisedent@hotmail.com


Sawirka falaartu ku tuseyso waa wiilka dhintey

Bidixda wiilka dhintey ee Soomaaliga ah midigna Saxiibkiis kale oo Soomaali ah oo ka badbadey
Sawiradaan hoose waa Anders Behring Breivik oo ah ninkii Xasuuqa axmaqnimada ah geystey










 

Tuesday, July 26, 2011

Haweenkii oo lagu direy macdanta ragga, haweenay nin ka goyesey xubinta ( +sawiro)

Haweenaydii labaad ayaa mudo 2 bilood ah waxay ka goysey nin xubinta taranka taasi oo noqonaysa weerarkii ugu dambeeyey ee haweenku ku hayaan macdanta ragga.

Haweenay u dhalatey wadanka Mareykanka ayaa ninkeedii ka goystey xubinta taranka (macdanta ragga) ka dib markii muran baaxad weyn uu dhexmarey, iyadoo waliba si arxan daran uga jartey xubintaasi ka dib markii ay ku xirxirtey sariir dabeedna ay ka jartey xubinta taranka iyadoo ku tuurtey goobta qashinka ama biyaha qaada ee jikada.
Dhacdadan oo ka dhacdey gobolka California  ee wadanka Mareykanka ayaa Booliisku waxay sheegeen in haweenaydaasi oo lagu magacaabo Catherine Kieu Becker, 48 ay ninkeeda oo ay isguursadeen bishii December ee sanadkii hore laguna magacaabao Becker oo 52 sano jir ah cuntada ugu dartey sun oo uu ku saaqmay taasi oo keentey in uu miyir doorsoomo ka dibna ay ka adeegato oo ay inta gacmaha iyo lugaha sariirta ugu xir xirtey raf ka siisey xubinta taranka (macdanta ragga), iyadoo waliba qashinka sii raacisey xubnintaasi oo qoynteeda ay u adeegsatey midni dhirirkeedu ahaa 10-Inchi.
Ciidamada Booliiska deegaankaasi oo halkaasi gaarey ka dib dhacdadan ayaa waxay la kulmeen haweenaydaasi waxaana ay tiri  “Taasi oo wuu u qalmaa” ayuu ahaa hadalkii ugu horeeyey ee laga soo xigto Catherine Kieu Becker oo degan deegaanka Garden Grove oo ku dhaw magaalada Los Angeles.
Lt Jeff Nightengale, oo ka tirsan Booliiska Garden Grove ayaa u sheegay saxaafada in ninkan & xaaskiisa macdan la’aanta dhigtey ay ku balansanaayeen in ay is furan.
Catherine  ayaa markii ay hubsatey in Becker ay macooyo la’aan dhigtey waxay wacdey Booliiska iyadoo dhacdada ku wargalisay una sheegtey in ay taasi tahay “wax uu istahaailo”.

Saraakiisha Booliiska oo gaarey  guriga dhacdadu ka dhacdey ayaa sheegay in u tageen dhibanaha oo xir xiran isla markaana xaga hoose ee jirkiisa dhiig badani uu ku qabanayo.
Catherine ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo lagu eedeyanayo adeegsi hub dhimasho sababa & ku kac fal aad xun, waxaana la filayaa in maxkamad la soo taago.
Qof ka mid dariska qoyskan is halakeeyey ayaa u sheegay saxaafada in haweenaydaasi aanay ula muuqan qof falkaaski ku kacaya ayna ula muuqatey ruux caadi ah.
Mr Becker ayaa la sheegay inuu haatan ku jiro qaybta xaalada deg deg ah ee isbitaalka deegaankaasi waxaana la sheegay in xaaladiisu ay aad u liidato.

Wiil sanad jir ah oo 34 farood lugaha & gacmaha ku leh (Sawirro)

Hooyadiis Amrita Saxena oo 38 sano jir ah markii ay aragtey wiilkeeda oo si farxad leh uga soo baxay oo u dhashay caafimaad qab aad ayay u muujisay farxad ay dareentey, laakiin waxay candhuufta dib u liqday oo ay yaab & amakagaa ka soo harey markii ay aragtey wiilkeeda oo leh  faro ka saa’id ah faraha caadiga ah ee bini’aadamka.
Wiilkan oo lagu magacaabo Akshat wuxuu ku leeyahay gacmaha min 7 farood halkii caadiyan uu u yeelan lahaa min shan farood, waxaana lugaha uu ku leeyahay min 10 farood.
“Aad ayaan ugu faraxay markii aan arkay wiilkeena, waayo wuxuu ahaa ilmaheenii ugu horeeyey, laakiin markii aan arkay farahiisa faraha badan aad ayaan u naxay ula yaabay” ayey tiri haweenayda wiilkan dhashay Mrs Saxena.
Wiilkan ayaa la sheegay in uu dhibaato ku qabo istaagitaanka sida ay sheegeen waalidiintaas, waxaana la sheegay in haatan loo fidinayo daaweyn dhanka caafimaadka ah.
Daawo Sawirrada:

Dr PP Kotwal oo ka shaqeeya xarun caafimaad oo wiilkan waalidkiis ay keeneen ayaa sheegay in xaalada wiilkan uu ku dhashay ay tahay mid aan inta badan dhicin, waxaana uu ku macagaabay polydactyly.

Tuesday, July 12, 2011

Yar Soomaali oo uureeyey Xaaska aabihiisa


Waxaa  magaalada Dalac ee dalka Yeman  ka dhacay todobaad ka hor dhacdo la yaab leh taasoo ka fajacisay Soomaalidii ku nooleed dalkaasi,
Magaalada Dalac gaar ahaan Xaafadda oo ay Soomaalida u  badanyihiin ayaa waxaa ka dhacay qiso ka fajicisay kadib markii wiil uu uureeyay eedadiisa aabahiis qabay,
Muddo lix bilood ka hor Aabe Soomaaliyeed oo deganaa magaaladaas ayaa safar  shaqo waxa uu u aaday magaale kale ee lagu magacabo Al Qayda oo ku taalla isla dalkaasi,
Wiil uu dhalay Aabe Axmed  oo ahaa dhalinyaro oo aan magaciisa u qarinay sababo ceeb jirta awgeed ayaa waxa uu bilabay inuu damaaciyo eedadiisa aabihiisa qabay oo aheyd mid aad u qurxoon soo jiidasho badan dhan walba iyadoo la isu helay waqti guriga lagu kaliyoobo,
Wiilkaas ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuulay siduu ku hanan lahaa eedadiisa ayaa bilaabay inuu hadalo kaftan iyo waji farxadeed kula dhaqmo mudo iyadoo markii dambe uu dhexmaray isfaham kadib bilaabay baashaal,
Lix bilood kadib ayaa waxaa ka yimid safarkiii shaqo Aabe Axmed waxa uu arkay xaaskiisa oo calool yar leh kadib shaki weyn ku dhashay isaga oo yaaban ayaa waxa uu geeyay rug caafimaad waxaana loo sheegay inay xaaskiisa Uur dhowr bilood leedahay,
Odaygii oo qabay sonkor iyo dhiig kar ayaa isla goobtii jooga ugu dhacay kadib Cisbital galay iyadoo maalmo kadib markii uu meyrka yeeshay waydiyay su,aalo ah yaa Uurkan kuu yeelay ?
Xaaskii ayaa ka biyo diiday inay sheegto qofka ka dambeeyay arintaan fajacisada ah dood iyo dagaal kadib ayaa waxa uu Aabe Axmed waydiyay caruurtii yareyd ee uu dhalay,
Gabar ka mid ah caruurti weyneyd oo la socotay jeceylka qarsoodiga ah ee ay wadaageen walaalkeed iyo hooyadeed aya si lama filaan ugu sheegtay Aabahed oo dhahday ,Aabe waxa habeenkii sariirtada ku ciyaari jiray walaalkeey iyo hooyo taasoo cajiib ku noqotay Aabe Axmed oo ku soo dhacday inuu wiilkisa cel celis ahaa balse uusan fileynin inuu u daba maryeeyo xaaskiisa qaaliga aheyd,
Odaygii oo yaaban  ayaa isla goobtii ku furay xaaskiisa u dhashay caruur badan waxa uuna eryay habaarna farqaha ugu shubay wiilkiisa iyadoo eededii sheydaanka qaaday ee wiilkeeda la galmootay iyo wiilkii aabahiise godkiisa u daba maryeey ay laba wado ka  kala baxeen,
Aabe Axmed oo iminka ku nool magaaladaas heysta  caruur hooyadood beerta gashay iyadoo xaaskii uu furay iminka joogta xaafadda Basaatiin gaar ahaan meelaha ay naagaha  meelaha ay ku noolyihiin dumarka Soomaalida ee balwada leh,
Dalka Yeman oo ay Soomaalida u badanyihin ayaa waxaa ka dhacay dhowr jeer qisooyin la yaab leh iyadoo Wariyaha Alcarabiya ee dalkaasi Siraaj Soomaali ballan qaaday inuu soo bandhigi doona qisooyin kale oo la yaab leh maalmaha soo socda,
By: Samiir sa'eed warsame
Email:newprisedent@hotmail.com 

Sunday, July 10, 2011

La Yaabka: Aabe wiilkiisa sanduuq alwaax ka sameysan ku xabisay 2 bilood +Sawirro

Johan Knelson oo 21 sano jir ah ayaa dantu ku qasabtey in caagado yar yar oo hal liitar qaada uu adeegsado in uu ku kaadiyo, isla markaana uu dhex seexdo qol aad u yar oo ka sameysan alwaax oo ah 9×6 feet ama la’eg sanduuqa la dhigo wadooyinka hareerahooda ee telefoonada laga dirsado ee loo yaqaan Call Box.
Johan xabsigaasi wuxuu ku jirey mudo 8 astuuc ama 2 bilood ah, xabsigaasi uma aanu galin dookhiisa ama rabitaankiisa, mana jirin cid kale oo ku qasabtey in uu halkaasi ku noolaado 60 maalmood, laakiin Aabihiis ayaa ciqaab ahaan wiilkiisa xabsigaasi u galiyey.

David Knelson oo degan magaalada Santa Cruz ee ku taal Bariga wadanka Bolivia hase yeeshee haysta dhalashada wadanka Canada ayaa si qasab ah wiilkiisa ugu xiray sanduuqaasi isagoo sheegay in wiilkiisa uu xadey tiro digaag (dooro), isagoo waliba wiilkiisa ku sifeeyey in uu madaxa ka jiran yahay.
“Waxaan u baxay banaanka, ka dib markii aan soo laabtey waxaan guriga kala kulmay iyadoo aad la iigu careysan yahay, ka dibna dadkii guriga joogay ayaa xarig inta igu xireen waxay si qasab ah ii galiyeen alwaxaan, halkan oo aan ku jiray 8 todobaad” ayuu yiri Johan Knelson.
Booliiska magaalada Santa Cruz police oo dhacdadan ka warhelay ayaa gurigaasi tagey waxaan David ay ku qasbeen in uu wiilksa xoriyadiisa dib ugu soo celiyo oo uu ka furo sanduuqa xabsiga ah ee uu ku xiray.
David Knelsen & qoyskiisa ayaa ka mid ah Kiristhaanka lagu magacaabo Mennonite oo ah koox mayal adag si weyn u aaminsan in ay xaaran tahay in nooc kasta oo ka mid ah technology-da in la adeegsado.

yaabka aduunka

Nin labada gacmood ka go’an oo farsameeya gawaarida, Qaabkeese u dhacdaa? +Sawirro

Aduunyda aynu ku noolnahay qof waliba sidii uu ku dhacsan lahaa quutal yoomkiisa waa hawsha arooryadii loo kalaho, isla markaana waqti badan lagu bixiyo sidii nolasha loo dabari lahaa oo xaaladaha & daruufaha adag ee aduunyada doc la isaga reexi lahaa.
Dad badan oo lixaadkooda EEBE u dhameystiray ayaa shaqo ama camal aduun iyo tii aakhiro iskaba dhigay meel iyagoo gidaar ku tiiriyey harjadka aduun, isla markaana qiimaha waqtigooda aan uga faa’idaysan sidii loogu tala galay.
Laakiin murti Soomaali ayaa leh “Nimaan shaqeysan Shaah waa ka xaaran”, nin u dhashay wadanka Mareykanka oo waliba lixdiisa lixaad aanay u dhameystirneyn ayaa tusaale u noqdey dad badan oo hamigii shaqo gees iska dhigay, ka dib markii isagoo labada gamcood ka go’an yihiin uu ku dhaqaaqay in uu qabto mid ka mid ah shaqooyinka ugu adag oo ah Makaanik gawaarida farsameeya, isagoo waliba taayarka baabuurka ku badali kara mudo aad u yar.
Waa Yaabee muxuu adeegsanayaa?.
Hadii aad ku fakartey in uu qalab ama farsamo kale adeegsano, maadaama aanu gacmo laheyn taasi ha ku fakarin, labadiisa lugood waliba faraha hore ee suulka cagta iyo farta xigta ayuu ugu shaqeysanaya 10-ka farood ee gacmaha iyo waliba calaalaha.

Matt Stutzman oo 28 sano jir kuna nool wadanka Mareykanka ayaa la soo baxay mucjiso la yaab leh ka dib markii isagoo gacmo la’a uu sheegay inaanu gaarigiisa marnaba geyn doonin garaashyada ama goobaha gawaarida lagu farsameeyo, isagoo sheegay in uu adimadiisa (Lugihiisa) kaga shaqeysanayo baabuurkiisa.
In kastoo dad badan ay gawaaridooda u kaxeeyaan ama geeyaan goobaha lagu farsameeyo baabuurta si loo cilad bixiyo hadana Matt wuxuu sheegay in uu arintaasi isaga filan yahay oo uu gaarigiisa isagu ka shaqeysanayo oo waliba xitaa taayirka uu ka badalayo.
Filim muuqaal ah oo laga duubay Matt oo gaarigiisa ka shaqeysanaya ayaa waxaa ka muuqda isagoo gaariga inta gariig saarta lug ama taayar ka shaqeynaya oo waliba boolsha kuna xiraya kuna furaya suulasha cagihiisa.
Matt oo aad u jeclaa baabuur wadida ayaa wuxuu 16 sano jir isagoo ah aad isagu hawlay in uu gaari kaxeeyo si la mid ah saaxiibadiisa, laakiin arintaasi Iskoolkii uu dhigan jiray way ka diideen inay ku gacan siiyaan, inkastoo dagaal dheer ka dib uu ku guuleystey in uu helo ogolaanshaha (License) lagu kaxeeyo gawaarida.
Matt ayaa marka uu gaariga kaxeynayo wuxuu u adeegsadaa lugtiis bixid in uu ku qabto sheelaraha & bareega, halka lugta midigna uu adeegsado in uu ku wareejiyo garaangirta ama isteersada gaariga.
Ninkan ayaa bisha June ee soo socota wuxuu wadanka Talyaaniga uga qayb gali doonaa tartan ay ka qaadan doonaan dadka cuuryaaminta ah, hadii tartankaasi uu ku guuleysto wuxuu wadankiisa Mareykanka u matali doona ciyaaraha Olympic-da aduunka ee sanadka 2012-ka lagu qanban doono magaalada London ee caasimada UK.

Saturday, July 9, 2011

Haweenka Uurka Leh Oo La Sheegay Haddii Ay U Seexdaan Dhinaca Midig Inay Dhalayaan Caruur Caafimaad




Haweenka Uurka Leh oo la sheegay Haddii ay u seexdaan Dhinaca Midig inay dhalayaan caruur caafimaad leh.


Sida lagu ogaaday Baaritaan ay sameeyeen Qabiiro ka tirsan Jaamacadda Auckland ayaa lagu ogaaday in haweenka doorta inay u seexdaan dhinaca midig marka ay Uurka leeyihiin ay qeyb weyn ka qaadanayso in ay dhalaan caruur caafimaad qaba.


Jaamacada Auckland University oo Cilmi Baaris ku samaysay in ka badan kun Haween ayaa 310 Haween Uur Leh ay dhaleen caruur wanaagsan waxaana 155 kamid ah ay ahaayeen kuwo soo dhaweed xaaladooda dhalmada.


Cilmi baaristan ayaa la sheegay in Haweenka ay wanaagsan tahay inay u seexdan dhanka midig haddii ay ka daalana ay u seexdaan dhabar dhabar.


Auckland University ayaa sidoo kale sheegtay in haddii ay haweenka u seexdaan dhanka Bidix ay sababi karto in dhiig uu caloosha ama Ilmaha uu ku furmo iyadoo xididada dhiigga qaaada ay u gudbin karaan dhiig badan qeybta uu canugga ku jiro.


Cilmi baaris kale oo ay sameysay Jaaamacad ku taala New Zealand oo lagu qoray British Medical Journal ayaa ogaatay cilmi baaris la mid ah mida ay soo saartay Jamacadda Auckland.


Haweeneyda lagu magacaabo Ms Daghni Rajasingam oo ka tirsan Koleejka Royal College of Obstetricians and Gynaecologists ayaa sheegtay in haweenka oo u seexda midig ama dhabarka ama gadi cad ay ka qeyb qaadan karto in Caruurta da'dooda ay ku dhashaan maqaarkooda uu wanaagsanaado isla markaana uu lahaado awood difaaca cudurada yar yar ee ku dhaca caruurta.

Monday, July 4, 2011

Waxaan ka cabsanayaa in ay Inetnetka ku faafiso sawiradeyda anigoo qaawan

dhacdo run ah oo layaab lehdhacdo run ah oo layaab leh Wiil sacuudiyaan ah oo ka cabanaaya gabar uu qadka ka bartay taasoo ugu hanjabtay in ay ku soo shaacin doonto sawiradiisa internetka hadii uusan u yeelin waxa ay rabto sheeko aan caadi eheen sii aqri
Wiilkan oo 23 sano jir ah ayaa waxa uu u tagay kooxo ka mid ah ciidan sacuudiga si ay u ilaaliyaan.
Sheekadiisa ayuu ku bilaabay sida tan;
Maalin ayaa si lama filaan ah anigoo internetka isticmalaaya waxaan isbaranay gabar da’deeda iigu sheegtay 25 sano kadib is fahan dher ayaa nadhex maray oo xiriir ayaan sameenay ilaa aan u diro sawirkeyga oo u eg in uu dhinac ka qaawan yahay
sidii ay sheekadu halkaa noogu socotay waxaa dhacday in aan u diro ilaa 12 sawir
laakiin waxaa ku soo boodo igu noqotay gabadha markii ay I dhahday in aan dibada aadno aniga iyo ayada qarash walbana aan aniga bixiyo hadii kalena ay sawiradeyda oo qaawan internetka ku soo bandhigeeso
Anigana lacag intaa ah ma heesto, waxaan isku dayay in an dajiyo oo wax fahansiiyo laakiin sorry wali waa ay ii hanjabeesaa
Wiilkan oo arday ah ayaa arinkiisa hada waxaa la wareegay booliska si ay wax oga qabtaan gabadhaas.

BY: Samiir Sa'eed Warsame
Email: newprisedent@hotmail.com

MASAYRKU MA JACAYL BAA MISE WAA KIBIR


Maseyr
Maseyr
Waa shey ilaahay ku abuuray qofkasta sida waxyaabaha qaar ee bini aadamka lagu uumay
Laakin waxaa jira qof Maseyrkiisa Macquul yahay iyo qof dhaafaya xadkii loogu tala galay oo qeyrul macquul ah
 

Inkastoo lagu tilmaamo maseyrku in uu yahay dareyn xanuun leh oo qofku uu ku rabo in uu kaligii yeesho qofka uu jecelyahay ama dareenkiisa kaligiis soo jiito ayaa waxa uu sababaa in uu kala geeyo laba qof oo is jecel ama is qaba waxaana halkaa ku dhamaan kara wixii ka dhaxeeyay oo jaceyl ah
Maseyr.. waa dareen la mid ah waxyaabah qofka uu dareemo ee caadiga ah laakiin dareenkiisu aad ayuu xanuun badan yahay hadii uu gudbo xadkiisa uuna sii siyaado
Badanaa waxaa la arkaa dhibaatooyinka ka dhex dhasha labada qof ee is qaba amaba is jecel xataa asxaabta dhexdooda sababta maseyrka dartiisa, ayadoo mararka qaar ay gaarto shaki kii ugu xumaa taasoo dhameyn karta jaceylka meeshaa ka jiray, lagana yaabo in ay dhaliso is aaminaad la’aan sababta maseyrka dartiisa
Waxaad arkeysaa mararka qaar qaasatan dadka jaceyl wadaaga ah ayagoo badanaa jecel dareenka maseyrka ah rabaana in ay dareemaan maseyrka ….. Sabab ???
Ma waxay rabaan in ay hubiyaan jaceylka qofka ay jecel yihiin ??
ma waxay doonayaan in ay jaceylkooda ku cadeeyaan Qaab maseyr galin ah qofka ay jecelyihiin ??
Maseyrku muxuu maraka qaar iskugu badalaa Shaki iyo kalsooni xumo ???
Muxuu maseyrku dadka qaar agtooda saa’id uu ugu yahay ama ugu badan yahay ??
Maseyrku ma kalsooni xumaa….Ama maxaan dhihi karnaa ???
Badanaa muxuu maseyrku isugu badalaa dhibaatooyin iyo mashaakil ????
Aqriste adiga maseyrka maxad u taqaanaa ??
Waa wax qurux badan in aragno ayadoo qof na jecel noo maseyraayo anaga darteen ……….
Laakiin sheygaasi quruxda badan waxa uu noqon karaa mid wax burburiya…. hadii anan si caqliyeesan leysaga xakameyn
Ugu dambeyntii…………
Maserku Ma jaceylbaa mise waa Kibir ?????
waa sxbkiina samiir aad uga barateen kafaaloonta amase falaqaynta arimaha bulshada waa mahadsantihiin:-
Samiir/Ahmed Sa'eed Warsame
newprisedent@hotmail.com

Waa maxay af qadhmuuni

Cilmi-baadhid Ku Saabsan Riixada Qadhmuun Ee Afka Dadka Ka Soo Baxada *Af Qadhmuun-ka*
2011-01-22

Af-qadhmuun-ka waxa afka qalaad lagu yidhaahdaa "Halitosis" waana xaalad qofka afkiisa uu ka soo baxo nakhas ama hawo uraysaa, taas oo ka duwan af-urka subaxii lala soo tooso ee caadiga ah, kaas oo ku baab'a naadiifinta ilkaha ama cadayga subaxii.

Af-qadhmuunku ma laha wax xuduud ah, umana kala sooco dadka da'dooda, intaa waxa sii dheer in af-qadhmuunku uu ku keeno qofka niyad jab aad u daran taasoo keensanaysa in qofku ka fogaado dadka iyo la hadlakoodaba, xitaa aanu u sheeganin dhibaatadiisa dhakhaatiirta. badanaa niyad jabkani waxa uu ka dhashaa in dadka qaba af-qadhmuunka aanay dareemi karin dhibaatada haysata illaa ay ka ogaadaan dad kale. kadibna ay ka go'aan bulshahda kana doorbidaan kalinnimada.

Maxaa keena Af-qadhmuun-ka?
Waxa loo kala qaadaa sababha keena af-qadhmuunka laba qaybood oo kala ah:
Caafimaad darro ka baxsan ilkaha
- Infection ama caabuq ku dhaca hanqalaalka sanka iyo afka u dhaxeeyo (Sinusitis) ama qalad ka jira qaab-dhismeedka lafta hanqalaalka oo qofku ku dhashay.
- Qooman
- Sanbabada qofka oo buka (khaas ahaan cudurrada malax-samayska ee sanbabada "suppurative lung diseases)
- Hawlgabka kilyaha (qashinkii kilyaha jidhka ka saari jiray oo hawo ahaan loo soo saaro sida kaadida "urea")
- Hawlgabka beerka (qashinkii beerka jidhka ka saari jiray oo hawo ahaan loo soo saaro)
- Cudur ku dhaca dhiigga
- Macaanka
- Xamiitada oo bukoota
- Cillaad dheefshiid-ka ka timaada
- Cunnooyinka qaar
-Isticmaalka Maandooriyaha sida Cunida Qaad-ka iyo Xashiish-ka

Caafimaad darro ka timaada ilkaha
- Ciridka oo buka
- Infection ilkaha ah ama cirid-ka
- Af-qaleelka (daawooyinka iyo cudurrada qaar ayaa keeno af-qaleelka)
- Daawooyinka sanka lagu dhibciyo
- Xasaasiyada cabbudh-ka keento
- Bakteeriyda hawo la'aanta oo ku badata afka ama sanka

90% oo ka mid ah waxyaabaha keena af-qadhmuun-ka waxay ka timaadaa bakteeriyada qudhmiska oo afka ku korto, taasoo ka dhalata cudurrada aan kor ku soo xusnay.

Daaweynta af-qadhmuun-ka
Si loo ogaado waxa keenay af-qadhmuun-ka waa in la helo lana baadho haddii ay jiraan caafimaad darro ka timid xagga ilkaha kadib ayaa loo gudbi karaa waxyaabaha kale ee keeni kara af-qadhmuun-ka.
Sidaa darteed waxaad u baahantahay marka ugu horraysa in aad u tagto dhakhtar ku takhasusay ilkaha.

Ka hortagga af-qadhmuun-ka
Ilaali caafimaadka ilkahaaga, cadayo inta aanad seexan iyo marka aad soo kacdaba.
Hadii aad isku aragto caalamada kale ee la socdo af-qadhmuun-ka la socodsii dhakhtarkaaga.
Af-qadhmuun-ku ceeb ma aha waana cudur la mid ah cudurrada kale, kumana xidhna nadaafad darro ee dhakhtar u tag una sheeg waxa aad dareemeysid.
Iska ilaali af-qalleelka, una sheeg dhakhtarkaaga daawooyinka aad qaadato.
Calaaasho xanjada si afkaaga qalleelka uga baaba'o una yeesho calyo.
waad mahadsantihiin :-
Samiir /Ahmed Sa'eed Warsame
newprisedent@hotmail.com or
samiir.sa'eed@gmail.com 

Sunday, July 3, 2011

Talooyin kacsiga ku saabsan

1- fiirinta naagaha qaawan ama dhar kahfiif ah wata ama mid ku dheggan
2- sawiro naag qaawan ama dhar kahfiif ah wadata ama mid ku deggan
3- wax sex ah inuu ruuxu ka sheekeeyo ama looga sheekeeyo
4- buug sex ka hadlaya inuu akhriyo
5- inuu kaadida isku celiyo ruuxu marka uu u baahdo inuu kaadsho
6- inuu niyadda sex ama naag qaawan iwm. geliyo
7- inuu bahalkiisa gacanta ku tuutuujiyo
 
arrimahaan waxay keenaan kacsiga ninka  marka maxaa kacsiga lagu celin karaa sida soo socota
=================================================
1- guur xalaal
2-Alla ka cabsi iyo soon
3- cuntada nafaqada leh guud ahaan  in la iska yareeyo
4- caanaha iyo kalluunka gaar ahaan in la iska yareeyo
5- maskaxda in lagu mashquuliyo waxyaalaha ka fog sexga
6- sports in la badsado siiba caayaarta kubbadda cagta
7- la sheekaysiga dumarka in laga fogaado siiba sheekada jacaylka

Qiso Jaceyl ah

Qiso Jaceyl oo Dhex Martay Wiil iyo Gabar Isku Barteen Qadka – Onlineka Ah Qisadan oo Ah Mid Dhab Ah Aqriso Waxi Fikradina Ah Waxa kuso Qori Kartan Qeybta Hoose ee COmment Yasha Mahadsanidin < joohaar cade & mirhaan c/qadir mirhaan waa inaanu qadka isku baranay Aqoon baa naga dhaxaysaa,mudo sanada ah ayaan is naqaanaay, waa inaan xishood badan qurux badan,quruxdu mahaa dhal dhalaalka qofka ka muuqda lakiin waa mid ka muuqda qofka ibna aadanka dhaqan kiisa waa dadnimo,iyo wanaag, wanaagu mahaa mid aad nafataada ku qancinaayso lakiin waa mid aad samaaysato,waa mid aay dadku ku qiraan, waay fuduudahaya dariiqa aad u martaa xumaanta,lakiin waxaa aadkanaysaa sidii aad mardhaaw u kasban lahaayd wanaag, sharaftu waa sida muraayada,oo kale hadaay mar mar bur burtana sida aay u kaban taa waay adag tahaay,mirhaan wanaageedu waa mid aan uquushi jiraay,lakiin jacaayl ima haayn,wan xumeeyay wanaageedi iyo sharfteedi ayaan meel kaga dhacaay,wajigii wanaagsana ee aay ihaysaay imika uma haayso,xitaa salaanta igama qaado xumaanta anigaa ka kasbadaay ee hadaan kajoogi laha ficilka xumaanta ahaa ee aan anigu naftayda ku sameyaay marnaba imaay nacdeen mirhaan,dadka qaarba is odhanayaa miyuu iska qiirto jacaaylbaa haaye, hadii waxaa aan dareemayaa aan idiin sheego idinkuna jacaylka ayuunbaad ku adkaysanaaysaan, waxaan dareemayaa in markii aan mirhaan hadalo deelqaaf oo aan iga qaban aan ku idhi waay iga fogaatay,maal mihii hore anuu ficilka aan sameeyaay ciyaar iyo kaftan buu ahaa,lakiin waxaan ka dareemay in mirhaan uu ku noqdaay boog, xitaa salaan iska dhaafe waxaay ila dhaqmaysaa sidii dad aan waligood is aqoon,anuu waxaan is leyahaay qiime barashadiini wacynad,lakiin mirhaan, waxan ka dareemayaa inaay inacdaay,sharaftii iyo wanaagii aay ihaysaaynaa uu qalbigeeda qaliil ku noqday,wan isku dayaay inaan sasabo,lakiin ima jawabayso,xitaa markaan ka dhaqaaqay ee aan ku idhi nabad galyo si naxariis dara ah,ayaay ilaa dhaqan taay, waxaad mooda inaay markii hore wanaagay iga aaminsanayd,uu isu badalay xumaan, sheeko badni kaftan iyo ciyaar,furfurnaan badan dhalinayarnimo,hadaay iqaaday ma inaad mirhaney igu nacdaa waxaan donayaa hadalkeedi macaana,inaabti soo fadhiiso,maalmahan laguma arag xageed ka dhacdaay waan ku xiisnaay,aragaagi waa lala yahay, markaay intaa itidhaahdo waxaan dareemi jiraay farxad,kalgacaliyo naxariis,ana si macaan uguma jawaabo ee waaban dhayilsan jiraay qofku markuu kaa dheeraado ayaad dareemaysaa, faysa waxaan ka dareemayaa inaay idonayso lakiin aay aniga igu xumaynaayso,ana waan rabaa la joogeda inaan la fadhiisto laabteeda ku seexdo,la dareemo waxaay dareemayso,waxan donayaa inaan wada cabno biyaha samsamka inaan wada dhadhimino macaankii sheekadii,rayn rayntii caweyskii,ciyaartii sacabkii,kaftankii sheekaadii, hadii aan intaa xisaynaayo,dhalanteedna aanaay ahaayn,ee aay tahaay dhab inaan intaasoo dhan donaayo,dadweynaaw waxaa i hayaa majacaylba?, hadii uuse yahay jacaayl muxuu aniga iga soo doonaay, haduuse isoo doontaay,maxaay mirhaan sidaas igu galaysaa, balse cidii wax ka taqaana jacaaylkaaw,ma lagaa yabaa inaay mirhaan isoo noqoto? hadayse isoo noqoto oo aay ila dheesho ciyaarihii hore oo kale iyo sida aan uxiisaynayo hab dhaqankeedii,mala is odhan karaa amuusanaanteeda jacaylbaa ku duugaan? ma laga yabaa inaay icafiso,oo aay sidii hore inoqoto? qofkii jacaylka waxka yaqanaaw please ila soo taali,maxaan sameeya sideense uraali galiyaa mirhaan,ilaay bariidaduba waa sade xitaa wataa salaanta ila dhafaysee, wixii talo iyo tusaale ah waxaad noogu soo hagaajisaan:-
samiir sa'eed warsame
newprisedent@hotmail.com
ama samiir.saeed@gmail.com

jacaylka maanta iyo dhalinyarada

Jacaylka maanta

Dhalinta Maanta ayaa noqday kuwa Magaca Jaceylka aanan sifiican u daryeelin iyagoo kuwada ganbanaya Magaca Qiimaha badan ee Jaceyl misana dadka gaarsiiyey heer ay ka amin baxaan jaceylka hadaba Soomaalidu ka gadaal kolkii ay kusoo xoomeen Qurbaha ayaa yaraatay is aaminaadii badneed ee labadu lamaane kalsoonidu iskugu qaadi lahaayen misana uhorseedi lahaa Guurka iyo Iftiinka Nolosha.
Jaceylka Maanta maahan mid xaqiiq ah ama runta hoos jooga waxa jira Dad aanan si dhadhan leh uusan usoo marin jaceelka misana ku sheegay inuu wax soo jeclaaday , Qofku waxa uu dareemaa jaceeelka marka uu qaraarkiisa soo dhadhamiyo ama uu soo taabto Xumaanta jaceylka waa goorta uu garabkaaga ka baxo jaceyl aad mudo aad ubadan soo dhiseesay.
Dhalinta Cusub waxaa dilay Dookh iyadoo aysan ukala saarneen Dookha iyo Jaceylka waxa farqi ahaan u dhaxeeya waxaa jiri kara kumanaan Dhigaaga ah ood isha uun ka jeclaatay balse wali usan hadal idin dhex marin niyada ayaad ka taageersantahay waad ku hanweynathay inaad la wadaagto xariir Balse kuma aysan suura galyn , Laga yaabee in niyadaadu ku tiraah qofkaas ayaadba jeceshahay.
Dookhi ayeey dadku ka dhigeen Jaceyl iyagoo aanan fahansaneen Magaca Guud ee Jaceyl, Waxaad is barateen Gabadh/Wiil Isbuuc gudahiisa waxaad isku sheegteen in qalbiyadiinu isku furan yihiin Wiilka/ gabadha laga yaabee iney ku dhahdo Waan ku Jeclahay, Balse waxaa Xaqiiq ah in qofkaasi weydiin Maxaad igu Jeclaatay? iwm, Lacala markii ay imaatana waa Jawaab aan sidaas Uga Fogeen Ficilka ahna, < Runtii Waxaan jeclahay Quruxdaada, Socodkaaga, Ilkahaga Cac cad,, Gadgaduudan, Indhahaaga Baliisha, Buur buuran, Labiskaaga wacan, Qosolkaaga, Kaftankaaga, Sheekadaada, IWM.
Balse Ma is weydiiyan Beri hadii Quruxdayda iyo midabkeygu is badalaan Maxaa dhacay oo Miyaad iga xiisa dhigeysaa ood inacaysaa Marka sidan si ka duwan usoo labistu maxaad Igu Sameyneysaaa , Waana Su’aalahan dhalinta Maantu is weydiinin marnaba Balse waa Muhiim inaad sifiican uga taxadartaa ruuxa aad qalbiga ufureysid Misana aad aamineysid, Ka Fiirso oo baar wixii ka run ah iyo wixii Ka been ahba.
Ahmed/samiir sa'eed warsame 
tunis,tunisia
newprisedent@hotmail.com