Monday, July 4, 2011

MASAYRKU MA JACAYL BAA MISE WAA KIBIR


Maseyr
Maseyr
Waa shey ilaahay ku abuuray qofkasta sida waxyaabaha qaar ee bini aadamka lagu uumay
Laakin waxaa jira qof Maseyrkiisa Macquul yahay iyo qof dhaafaya xadkii loogu tala galay oo qeyrul macquul ah
 

Inkastoo lagu tilmaamo maseyrku in uu yahay dareyn xanuun leh oo qofku uu ku rabo in uu kaligii yeesho qofka uu jecelyahay ama dareenkiisa kaligiis soo jiito ayaa waxa uu sababaa in uu kala geeyo laba qof oo is jecel ama is qaba waxaana halkaa ku dhamaan kara wixii ka dhaxeeyay oo jaceyl ah
Maseyr.. waa dareen la mid ah waxyaabah qofka uu dareemo ee caadiga ah laakiin dareenkiisu aad ayuu xanuun badan yahay hadii uu gudbo xadkiisa uuna sii siyaado
Badanaa waxaa la arkaa dhibaatooyinka ka dhex dhasha labada qof ee is qaba amaba is jecel xataa asxaabta dhexdooda sababta maseyrka dartiisa, ayadoo mararka qaar ay gaarto shaki kii ugu xumaa taasoo dhameyn karta jaceylka meeshaa ka jiray, lagana yaabo in ay dhaliso is aaminaad la’aan sababta maseyrka dartiisa
Waxaad arkeysaa mararka qaar qaasatan dadka jaceyl wadaaga ah ayagoo badanaa jecel dareenka maseyrka ah rabaana in ay dareemaan maseyrka ….. Sabab ???
Ma waxay rabaan in ay hubiyaan jaceylka qofka ay jecel yihiin ??
ma waxay doonayaan in ay jaceylkooda ku cadeeyaan Qaab maseyr galin ah qofka ay jecelyihiin ??
Maseyrku muxuu maraka qaar iskugu badalaa Shaki iyo kalsooni xumo ???
Muxuu maseyrku dadka qaar agtooda saa’id uu ugu yahay ama ugu badan yahay ??
Maseyrku ma kalsooni xumaa….Ama maxaan dhihi karnaa ???
Badanaa muxuu maseyrku isugu badalaa dhibaatooyin iyo mashaakil ????
Aqriste adiga maseyrka maxad u taqaanaa ??
Waa wax qurux badan in aragno ayadoo qof na jecel noo maseyraayo anaga darteen ……….
Laakiin sheygaasi quruxda badan waxa uu noqon karaa mid wax burburiya…. hadii anan si caqliyeesan leysaga xakameyn
Ugu dambeyntii…………
Maserku Ma jaceylbaa mise waa Kibir ?????
waa sxbkiina samiir aad uga barateen kafaaloonta amase falaqaynta arimaha bulshada waa mahadsantihiin:-
Samiir/Ahmed Sa'eed Warsame
newprisedent@hotmail.com

No comments:

Post a Comment

talk about your opinion please