Tuesday, July 26, 2011

Haweenkii oo lagu direy macdanta ragga, haweenay nin ka goyesey xubinta ( +sawiro)

Haweenaydii labaad ayaa mudo 2 bilood ah waxay ka goysey nin xubinta taranka taasi oo noqonaysa weerarkii ugu dambeeyey ee haweenku ku hayaan macdanta ragga.

Haweenay u dhalatey wadanka Mareykanka ayaa ninkeedii ka goystey xubinta taranka (macdanta ragga) ka dib markii muran baaxad weyn uu dhexmarey, iyadoo waliba si arxan daran uga jartey xubintaasi ka dib markii ay ku xirxirtey sariir dabeedna ay ka jartey xubinta taranka iyadoo ku tuurtey goobta qashinka ama biyaha qaada ee jikada.
Dhacdadan oo ka dhacdey gobolka California  ee wadanka Mareykanka ayaa Booliisku waxay sheegeen in haweenaydaasi oo lagu magacaabo Catherine Kieu Becker, 48 ay ninkeeda oo ay isguursadeen bishii December ee sanadkii hore laguna magacaabao Becker oo 52 sano jir ah cuntada ugu dartey sun oo uu ku saaqmay taasi oo keentey in uu miyir doorsoomo ka dibna ay ka adeegato oo ay inta gacmaha iyo lugaha sariirta ugu xir xirtey raf ka siisey xubinta taranka (macdanta ragga), iyadoo waliba qashinka sii raacisey xubnintaasi oo qoynteeda ay u adeegsatey midni dhirirkeedu ahaa 10-Inchi.
Ciidamada Booliiska deegaankaasi oo halkaasi gaarey ka dib dhacdadan ayaa waxay la kulmeen haweenaydaasi waxaana ay tiri  “Taasi oo wuu u qalmaa” ayuu ahaa hadalkii ugu horeeyey ee laga soo xigto Catherine Kieu Becker oo degan deegaanka Garden Grove oo ku dhaw magaalada Los Angeles.
Lt Jeff Nightengale, oo ka tirsan Booliiska Garden Grove ayaa u sheegay saxaafada in ninkan & xaaskiisa macdan la’aanta dhigtey ay ku balansanaayeen in ay is furan.
Catherine  ayaa markii ay hubsatey in Becker ay macooyo la’aan dhigtey waxay wacdey Booliiska iyadoo dhacdada ku wargalisay una sheegtey in ay taasi tahay “wax uu istahaailo”.

Saraakiisha Booliiska oo gaarey  guriga dhacdadu ka dhacdey ayaa sheegay in u tageen dhibanaha oo xir xiran isla markaana xaga hoose ee jirkiisa dhiig badani uu ku qabanayo.
Catherine ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo lagu eedeyanayo adeegsi hub dhimasho sababa & ku kac fal aad xun, waxaana la filayaa in maxkamad la soo taago.
Qof ka mid dariska qoyskan is halakeeyey ayaa u sheegay saxaafada in haweenaydaasi aanay ula muuqan qof falkaaski ku kacaya ayna ula muuqatey ruux caadi ah.
Mr Becker ayaa la sheegay inuu haatan ku jiro qaybta xaalada deg deg ah ee isbitaalka deegaankaasi waxaana la sheegay in xaaladiisu ay aad u liidato.

No comments:

Post a Comment

talk about your opinion please