Sunday, July 10, 2011

La Yaabka: Aabe wiilkiisa sanduuq alwaax ka sameysan ku xabisay 2 bilood +Sawirro

Johan Knelson oo 21 sano jir ah ayaa dantu ku qasabtey in caagado yar yar oo hal liitar qaada uu adeegsado in uu ku kaadiyo, isla markaana uu dhex seexdo qol aad u yar oo ka sameysan alwaax oo ah 9×6 feet ama la’eg sanduuqa la dhigo wadooyinka hareerahooda ee telefoonada laga dirsado ee loo yaqaan Call Box.
Johan xabsigaasi wuxuu ku jirey mudo 8 astuuc ama 2 bilood ah, xabsigaasi uma aanu galin dookhiisa ama rabitaankiisa, mana jirin cid kale oo ku qasabtey in uu halkaasi ku noolaado 60 maalmood, laakiin Aabihiis ayaa ciqaab ahaan wiilkiisa xabsigaasi u galiyey.

David Knelson oo degan magaalada Santa Cruz ee ku taal Bariga wadanka Bolivia hase yeeshee haysta dhalashada wadanka Canada ayaa si qasab ah wiilkiisa ugu xiray sanduuqaasi isagoo sheegay in wiilkiisa uu xadey tiro digaag (dooro), isagoo waliba wiilkiisa ku sifeeyey in uu madaxa ka jiran yahay.
“Waxaan u baxay banaanka, ka dib markii aan soo laabtey waxaan guriga kala kulmay iyadoo aad la iigu careysan yahay, ka dibna dadkii guriga joogay ayaa xarig inta igu xireen waxay si qasab ah ii galiyeen alwaxaan, halkan oo aan ku jiray 8 todobaad” ayuu yiri Johan Knelson.
Booliiska magaalada Santa Cruz police oo dhacdadan ka warhelay ayaa gurigaasi tagey waxaan David ay ku qasbeen in uu wiilksa xoriyadiisa dib ugu soo celiyo oo uu ka furo sanduuqa xabsiga ah ee uu ku xiray.
David Knelsen & qoyskiisa ayaa ka mid ah Kiristhaanka lagu magacaabo Mennonite oo ah koox mayal adag si weyn u aaminsan in ay xaaran tahay in nooc kasta oo ka mid ah technology-da in la adeegsado.

No comments:

Post a Comment

talk about your opinion please