Sunday, July 10, 2011

yaabka aduunka

Nin labada gacmood ka go’an oo farsameeya gawaarida, Qaabkeese u dhacdaa? +Sawirro

Aduunyda aynu ku noolnahay qof waliba sidii uu ku dhacsan lahaa quutal yoomkiisa waa hawsha arooryadii loo kalaho, isla markaana waqti badan lagu bixiyo sidii nolasha loo dabari lahaa oo xaaladaha & daruufaha adag ee aduunyada doc la isaga reexi lahaa.
Dad badan oo lixaadkooda EEBE u dhameystiray ayaa shaqo ama camal aduun iyo tii aakhiro iskaba dhigay meel iyagoo gidaar ku tiiriyey harjadka aduun, isla markaana qiimaha waqtigooda aan uga faa’idaysan sidii loogu tala galay.
Laakiin murti Soomaali ayaa leh “Nimaan shaqeysan Shaah waa ka xaaran”, nin u dhashay wadanka Mareykanka oo waliba lixdiisa lixaad aanay u dhameystirneyn ayaa tusaale u noqdey dad badan oo hamigii shaqo gees iska dhigay, ka dib markii isagoo labada gamcood ka go’an yihiin uu ku dhaqaaqay in uu qabto mid ka mid ah shaqooyinka ugu adag oo ah Makaanik gawaarida farsameeya, isagoo waliba taayarka baabuurka ku badali kara mudo aad u yar.
Waa Yaabee muxuu adeegsanayaa?.
Hadii aad ku fakartey in uu qalab ama farsamo kale adeegsano, maadaama aanu gacmo laheyn taasi ha ku fakarin, labadiisa lugood waliba faraha hore ee suulka cagta iyo farta xigta ayuu ugu shaqeysanaya 10-ka farood ee gacmaha iyo waliba calaalaha.

Matt Stutzman oo 28 sano jir kuna nool wadanka Mareykanka ayaa la soo baxay mucjiso la yaab leh ka dib markii isagoo gacmo la’a uu sheegay inaanu gaarigiisa marnaba geyn doonin garaashyada ama goobaha gawaarida lagu farsameeyo, isagoo sheegay in uu adimadiisa (Lugihiisa) kaga shaqeysanayo baabuurkiisa.
In kastoo dad badan ay gawaaridooda u kaxeeyaan ama geeyaan goobaha lagu farsameeyo baabuurta si loo cilad bixiyo hadana Matt wuxuu sheegay in uu arintaasi isaga filan yahay oo uu gaarigiisa isagu ka shaqeysanayo oo waliba xitaa taayirka uu ka badalayo.
Filim muuqaal ah oo laga duubay Matt oo gaarigiisa ka shaqeysanaya ayaa waxaa ka muuqda isagoo gaariga inta gariig saarta lug ama taayar ka shaqeynaya oo waliba boolsha kuna xiraya kuna furaya suulasha cagihiisa.
Matt oo aad u jeclaa baabuur wadida ayaa wuxuu 16 sano jir isagoo ah aad isagu hawlay in uu gaari kaxeeyo si la mid ah saaxiibadiisa, laakiin arintaasi Iskoolkii uu dhigan jiray way ka diideen inay ku gacan siiyaan, inkastoo dagaal dheer ka dib uu ku guuleystey in uu helo ogolaanshaha (License) lagu kaxeeyo gawaarida.
Matt ayaa marka uu gaariga kaxeynayo wuxuu u adeegsadaa lugtiis bixid in uu ku qabto sheelaraha & bareega, halka lugta midigna uu adeegsado in uu ku wareejiyo garaangirta ama isteersada gaariga.
Ninkan ayaa bisha June ee soo socota wuxuu wadanka Talyaaniga uga qayb gali doonaa tartan ay ka qaadan doonaan dadka cuuryaaminta ah, hadii tartankaasi uu ku guuleysto wuxuu wadankiisa Mareykanka u matali doona ciyaaraha Olympic-da aduunka ee sanadka 2012-ka lagu qanban doono magaalada London ee caasimada UK.

No comments:

Post a Comment

talk about your opinion please