Tuesday, July 26, 2011

Wiil sanad jir ah oo 34 farood lugaha & gacmaha ku leh (Sawirro)

Hooyadiis Amrita Saxena oo 38 sano jir ah markii ay aragtey wiilkeeda oo si farxad leh uga soo baxay oo u dhashay caafimaad qab aad ayay u muujisay farxad ay dareentey, laakiin waxay candhuufta dib u liqday oo ay yaab & amakagaa ka soo harey markii ay aragtey wiilkeeda oo leh  faro ka saa’id ah faraha caadiga ah ee bini’aadamka.
Wiilkan oo lagu magacaabo Akshat wuxuu ku leeyahay gacmaha min 7 farood halkii caadiyan uu u yeelan lahaa min shan farood, waxaana lugaha uu ku leeyahay min 10 farood.
“Aad ayaan ugu faraxay markii aan arkay wiilkeena, waayo wuxuu ahaa ilmaheenii ugu horeeyey, laakiin markii aan arkay farahiisa faraha badan aad ayaan u naxay ula yaabay” ayey tiri haweenayda wiilkan dhashay Mrs Saxena.
Wiilkan ayaa la sheegay in uu dhibaato ku qabo istaagitaanka sida ay sheegeen waalidiintaas, waxaana la sheegay in haatan loo fidinayo daaweyn dhanka caafimaadka ah.
Daawo Sawirrada:

Dr PP Kotwal oo ka shaqeeya xarun caafimaad oo wiilkan waalidkiis ay keeneen ayaa sheegay in xaalada wiilkan uu ku dhashay ay tahay mid aan inta badan dhicin, waxaana uu ku macagaabay polydactyly.

No comments:

Post a Comment

talk about your opinion please