Sunday, July 3, 2011

jacaylka maanta iyo dhalinyarada

Jacaylka maanta

Dhalinta Maanta ayaa noqday kuwa Magaca Jaceylka aanan sifiican u daryeelin iyagoo kuwada ganbanaya Magaca Qiimaha badan ee Jaceyl misana dadka gaarsiiyey heer ay ka amin baxaan jaceylka hadaba Soomaalidu ka gadaal kolkii ay kusoo xoomeen Qurbaha ayaa yaraatay is aaminaadii badneed ee labadu lamaane kalsoonidu iskugu qaadi lahaayen misana uhorseedi lahaa Guurka iyo Iftiinka Nolosha.
Jaceylka Maanta maahan mid xaqiiq ah ama runta hoos jooga waxa jira Dad aanan si dhadhan leh uusan usoo marin jaceelka misana ku sheegay inuu wax soo jeclaaday , Qofku waxa uu dareemaa jaceeelka marka uu qaraarkiisa soo dhadhamiyo ama uu soo taabto Xumaanta jaceylka waa goorta uu garabkaaga ka baxo jaceyl aad mudo aad ubadan soo dhiseesay.
Dhalinta Cusub waxaa dilay Dookh iyadoo aysan ukala saarneen Dookha iyo Jaceylka waxa farqi ahaan u dhaxeeya waxaa jiri kara kumanaan Dhigaaga ah ood isha uun ka jeclaatay balse wali usan hadal idin dhex marin niyada ayaad ka taageersantahay waad ku hanweynathay inaad la wadaagto xariir Balse kuma aysan suura galyn , Laga yaabee in niyadaadu ku tiraah qofkaas ayaadba jeceshahay.
Dookhi ayeey dadku ka dhigeen Jaceyl iyagoo aanan fahansaneen Magaca Guud ee Jaceyl, Waxaad is barateen Gabadh/Wiil Isbuuc gudahiisa waxaad isku sheegteen in qalbiyadiinu isku furan yihiin Wiilka/ gabadha laga yaabee iney ku dhahdo Waan ku Jeclahay, Balse waxaa Xaqiiq ah in qofkaasi weydiin Maxaad igu Jeclaatay? iwm, Lacala markii ay imaatana waa Jawaab aan sidaas Uga Fogeen Ficilka ahna, < Runtii Waxaan jeclahay Quruxdaada, Socodkaaga, Ilkahaga Cac cad,, Gadgaduudan, Indhahaaga Baliisha, Buur buuran, Labiskaaga wacan, Qosolkaaga, Kaftankaaga, Sheekadaada, IWM.
Balse Ma is weydiiyan Beri hadii Quruxdayda iyo midabkeygu is badalaan Maxaa dhacay oo Miyaad iga xiisa dhigeysaa ood inacaysaa Marka sidan si ka duwan usoo labistu maxaad Igu Sameyneysaaa , Waana Su’aalahan dhalinta Maantu is weydiinin marnaba Balse waa Muhiim inaad sifiican uga taxadartaa ruuxa aad qalbiga ufureysid Misana aad aamineysid, Ka Fiirso oo baar wixii ka run ah iyo wixii Ka been ahba.
Ahmed/samiir sa'eed warsame 
tunis,tunisia
newprisedent@hotmail.com

2 comments:

  1. f;djlalga;lg
    dfagjdlkgdfg

    ReplyDelete
  2. OGOW:

    Waxaan Ruqsado ka Amaahiye Loan ku salaysan ee dunida. Waxaan bixinaa oo dhan cayn kasta oo ah amaah labada shakhsi iyo Deyn dadka adduunka oo dhan. Qofka danaynaysaa waa ay ila soo xidhiidhi via: info.rif.servicees@gmail.com

    Salaan

    ReplyDelete

talk about your opinion please