Saturday, July 9, 2011

Haweenka Uurka Leh Oo La Sheegay Haddii Ay U Seexdaan Dhinaca Midig Inay Dhalayaan Caruur Caafimaad




Haweenka Uurka Leh oo la sheegay Haddii ay u seexdaan Dhinaca Midig inay dhalayaan caruur caafimaad leh.


Sida lagu ogaaday Baaritaan ay sameeyeen Qabiiro ka tirsan Jaamacadda Auckland ayaa lagu ogaaday in haweenka doorta inay u seexdaan dhinaca midig marka ay Uurka leeyihiin ay qeyb weyn ka qaadanayso in ay dhalaan caruur caafimaad qaba.


Jaamacada Auckland University oo Cilmi Baaris ku samaysay in ka badan kun Haween ayaa 310 Haween Uur Leh ay dhaleen caruur wanaagsan waxaana 155 kamid ah ay ahaayeen kuwo soo dhaweed xaaladooda dhalmada.


Cilmi baaristan ayaa la sheegay in Haweenka ay wanaagsan tahay inay u seexdan dhanka midig haddii ay ka daalana ay u seexdaan dhabar dhabar.


Auckland University ayaa sidoo kale sheegtay in haddii ay haweenka u seexdaan dhanka Bidix ay sababi karto in dhiig uu caloosha ama Ilmaha uu ku furmo iyadoo xididada dhiigga qaaada ay u gudbin karaan dhiig badan qeybta uu canugga ku jiro.


Cilmi baaris kale oo ay sameysay Jaaamacad ku taala New Zealand oo lagu qoray British Medical Journal ayaa ogaatay cilmi baaris la mid ah mida ay soo saartay Jamacadda Auckland.


Haweeneyda lagu magacaabo Ms Daghni Rajasingam oo ka tirsan Koleejka Royal College of Obstetricians and Gynaecologists ayaa sheegtay in haweenka oo u seexda midig ama dhabarka ama gadi cad ay ka qeyb qaadan karto in Caruurta da'dooda ay ku dhashaan maqaarkooda uu wanaagsanaado isla markaana uu lahaado awood difaaca cudurada yar yar ee ku dhaca caruurta.

No comments:

Post a Comment

talk about your opinion please