Monday, July 4, 2011

Waa maxay af qadhmuuni

Cilmi-baadhid Ku Saabsan Riixada Qadhmuun Ee Afka Dadka Ka Soo Baxada *Af Qadhmuun-ka*
2011-01-22

Af-qadhmuun-ka waxa afka qalaad lagu yidhaahdaa "Halitosis" waana xaalad qofka afkiisa uu ka soo baxo nakhas ama hawo uraysaa, taas oo ka duwan af-urka subaxii lala soo tooso ee caadiga ah, kaas oo ku baab'a naadiifinta ilkaha ama cadayga subaxii.

Af-qadhmuunku ma laha wax xuduud ah, umana kala sooco dadka da'dooda, intaa waxa sii dheer in af-qadhmuunku uu ku keeno qofka niyad jab aad u daran taasoo keensanaysa in qofku ka fogaado dadka iyo la hadlakoodaba, xitaa aanu u sheeganin dhibaatadiisa dhakhaatiirta. badanaa niyad jabkani waxa uu ka dhashaa in dadka qaba af-qadhmuunka aanay dareemi karin dhibaatada haysata illaa ay ka ogaadaan dad kale. kadibna ay ka go'aan bulshahda kana doorbidaan kalinnimada.

Maxaa keena Af-qadhmuun-ka?
Waxa loo kala qaadaa sababha keena af-qadhmuunka laba qaybood oo kala ah:
Caafimaad darro ka baxsan ilkaha
- Infection ama caabuq ku dhaca hanqalaalka sanka iyo afka u dhaxeeyo (Sinusitis) ama qalad ka jira qaab-dhismeedka lafta hanqalaalka oo qofku ku dhashay.
- Qooman
- Sanbabada qofka oo buka (khaas ahaan cudurrada malax-samayska ee sanbabada "suppurative lung diseases)
- Hawlgabka kilyaha (qashinkii kilyaha jidhka ka saari jiray oo hawo ahaan loo soo saaro sida kaadida "urea")
- Hawlgabka beerka (qashinkii beerka jidhka ka saari jiray oo hawo ahaan loo soo saaro)
- Cudur ku dhaca dhiigga
- Macaanka
- Xamiitada oo bukoota
- Cillaad dheefshiid-ka ka timaada
- Cunnooyinka qaar
-Isticmaalka Maandooriyaha sida Cunida Qaad-ka iyo Xashiish-ka

Caafimaad darro ka timaada ilkaha
- Ciridka oo buka
- Infection ilkaha ah ama cirid-ka
- Af-qaleelka (daawooyinka iyo cudurrada qaar ayaa keeno af-qaleelka)
- Daawooyinka sanka lagu dhibciyo
- Xasaasiyada cabbudh-ka keento
- Bakteeriyda hawo la'aanta oo ku badata afka ama sanka

90% oo ka mid ah waxyaabaha keena af-qadhmuun-ka waxay ka timaadaa bakteeriyada qudhmiska oo afka ku korto, taasoo ka dhalata cudurrada aan kor ku soo xusnay.

Daaweynta af-qadhmuun-ka
Si loo ogaado waxa keenay af-qadhmuun-ka waa in la helo lana baadho haddii ay jiraan caafimaad darro ka timid xagga ilkaha kadib ayaa loo gudbi karaa waxyaabaha kale ee keeni kara af-qadhmuun-ka.
Sidaa darteed waxaad u baahantahay marka ugu horraysa in aad u tagto dhakhtar ku takhasusay ilkaha.

Ka hortagga af-qadhmuun-ka
Ilaali caafimaadka ilkahaaga, cadayo inta aanad seexan iyo marka aad soo kacdaba.
Hadii aad isku aragto caalamada kale ee la socdo af-qadhmuun-ka la socodsii dhakhtarkaaga.
Af-qadhmuun-ku ceeb ma aha waana cudur la mid ah cudurrada kale, kumana xidhna nadaafad darro ee dhakhtar u tag una sheeg waxa aad dareemeysid.
Iska ilaali af-qalleelka, una sheeg dhakhtarkaaga daawooyinka aad qaadato.
Calaaasho xanjada si afkaaga qalleelka uga baaba'o una yeesho calyo.
waad mahadsantihiin :-
Samiir /Ahmed Sa'eed Warsame
newprisedent@hotmail.com or
samiir.sa'eed@gmail.com 

No comments:

Post a Comment

talk about your opinion please