Saturday, July 30, 2011

Magaca iyo sawirka wiilka Soomaaliga ee ku dhintey Xasuuqii Norway ee jamcadii(Faahfaahin buuxda

Oslo(Puntlandi.com) Xasuuqii ay ku dhinteen 93 da qof ee ka dhacey magaalada Oslo iyo Jasiirada yar ee Utøya oo aan Oslo waxsaasa ka fogey ayaa waxaa kamid ahaa dadka dhintey  Ismail Haji Ahmed oo asal ahaan Soomaali ahaa, waxaa isna ka badbaadey oo la socdey Mohamed Abdi Farah oo loo yaqaaney Mo kuna soo caan baxey barnaamijka X factor ee  TV-ga Norway lagasoo deyn jirey.
Sawirada hoos ka daawo
Wiilkaan Soomaaliga ah oo kamid ahaa intii ka badneyd 650 Dhalinyadii xaflada ku dhiganayey Jasiirada Utøye ayaa Ninkii aadka u hubeysnaa ee Xasuuqa ku geystey Jasiirada uu diley isaga iyo dhalinyaro toboneeyo ah oo isku meel joogey, inkastoo tirada jasiiradaas ku dhimatey ay aheyd in ka badan 85 qof oo mudo sacado gudohood ah uu halkaas nin ku toogtey.
Ninka dilka geystey oo ahaa nin xagjir mintid ah kana tirsanaan jirey xisbiga xag jirka ah wuxuu Xasuuqaan qorsheynayey in ka badan 9 sabo, isagoo bilowgii u horeeyey bilaabey inuu u tabaabusheysto xasuuquu geystey Jamcadii.
Wuxuu ogaa in Jasiirada Utøya ay ku shirayaan dhalinyarada Xisbiga Shaqaalaha ee talada wadanka haya,si uu jaanis fiican ugu helo Xasuuqa wuxuu bileyska iyo Ciidamada Abniga ku mashquuliyey Bomb uu gacantiisa ku sameyey oo 560 kilo ah wuxuu ku qarxiyey sar ku taal bartamaha Magaalada Oslo oo ay Dowlada wadanku degantahey, Ra’iisalwasaaraha Dalkana xafiis u ah, waxa agoobtaas ku dhintey 7 qof.
Ka dib wuxuu markiiba tagey Jasiirada si uu u xasuuqo dhalinayarda xaflada dhiganayey oo 650 kor u dhaafey, wuxuuna isagoo ku hubeysan qoryaha daran dooriga u dhaca uu diley 85 qof wuxuuna dhawacey in ka badan 90 kale.
Waxaa ilaa hada lawaysan yahey 5 dhalinyaro ah.
Waxa kaloo lala yaabey ninkaan wuxuu qorey sidii falkaan u bilaabey tabaabusheysigiisa laga soo bilaabo maalintii kowaad ilaa jamcadii oo aheyd maalintii kama dambeysta aheyd, waxeyna ku qaadatey sagaal sano  inuu isu diyaariyo Xasuuqaan, wuxuu maalin kasta qori jiey buug xasuus ah oo uu ku qorayo wuxuu maalintaas sameeyey, waxaa kamid ahaa Qoraalkiisa, waxaan maanta bilaabey inaa sameeyo waxyaabaha Qarxa, Waxaan soo gatey Qori, waxaan soo gatey oo internetka dalbadey maanta Baaruuda qaraxda oo aan ka dalbadey Polan. wuxuu qori jirey mudo sagaal sano ah falkasta oo uu sameeyo.
Waxaa qoraalkiisa kaloo kamid ahaa “Yurub maalin bay ka xoroobeysaa Islaamka, Waxaa Norway  2082 ka dhacaya  afgabi lagu sameynayo Dowlada waxaana dhalanya Kacaan ka xoreeya Dalka Islaamka, Yurub waxey ka xoroobi doontaa Islaamka
Buugaan oo inka badan 2000 oo warqadood ah waxaa ku qoran sidii u bilaabey inuu sameeyo Momb-ka, waxaa kaloo cajiib aheyd waxaa qoraalkiisa ka mid aheyd “qoraalkaan wuxuu qorey maalmo ka hor jamcadii wuxuuna yiri “Alla marbaan qaldami lahaa waxaan maanta ogaadey in qalad ku jiro fiilooyinka Bombka oo hadaan isku dayi lahaa inaan qarxiyo iimaba qarxeen lakiin maantaan saxey hadana waa diyaar ” wuxuu kaloo qorey “sixitaanka qaladkaas waa inaan u dabaaldagaa” wuxuu markaas tagey makhaayad qaali ah halkasoo uu kasoo cuney cuno fiican iyo dhalo qamri ah
Dadka ku xeel dheer Bomb-ka waxey sheegeen in hadii uusan ogaan laheyn qaladkaas uusan Bombku qarxeen halkaasna dad badan kuma dhinteen.
Bileyka Norway waxey sheegeen in sida uu wax u qorey ay sax aheyd oo uusan ka been sheegin. sagaalkaas sano oo uu usoo tabaabusheysanayey Xasuuqaan wuxuu ku soo koobey Qoraalkaan maalin ka maalin wuxuu sameyn jirey,Anders Behring Breivik wuxuu jirey xiliga uu bilaabayo Qorshaan 23 sano, hadana wuxuu jiraa 32 sano magaciisuna waa
www.samiirs-blogspot.com 
by: Samiir cenation
Newprisedent@hotmail.com


Sawirka falaartu ku tuseyso waa wiilka dhintey

Bidixda wiilka dhintey ee Soomaaliga ah midigna Saxiibkiis kale oo Soomaali ah oo ka badbadey
Sawiradaan hoose waa Anders Behring Breivik oo ah ninkii Xasuuqa axmaqnimada ah geystey










 

No comments:

Post a Comment

talk about your opinion please