Monday, October 15, 2012

Ha Daawan hadaad awoodin : Labo Caruur ah oo ku gubtay Dab ka kacay Gurigooda ” SAWIRO"



 Posted By: samiir sa'eed warsam.(samiir nanagon)
Samiir.hacker@gmail.com
Alle ha u naxariistee Laba caruur ayaa ku naf waayey dab qabsaday guri aqal soomaali ah oo ku yaala xaafada sheekh madar ee degmeda gacan libaax, kuwaas oo gabi ahaanba jidhkoodu ku bas-beelay dabkaasi.
gubasho5
Labadan caruura ayaa magacyadoodu kala ahaayeen caydaruus Maxamed iyo C/rashiid Maxamed isla markaana da,dooda lagu sheegay shan jir ilaa sadex jir, waxaana markii dabkaasi uu qabsaday ka maqnaa guriga waalidkii dhalay awlaada, taas oo aan ilaa hadda la garanayn sababta dhalisay dabkan ay ku nafwaayeen caruurtaasi.
gubasho1
Hooyada dhashay caruurtaasi oo aanu kula kulanay cusbitalka guud ee magaalada hargeysa ayaanay noo suurto galin inaanu wax ka waydiino dareenkeeda ku aadan maadaama ay ubadkeedii ku naf waayeen dabkaasi qabsaday gurigeeda.
gubasho6
Mid ka mida dadkii ka ag dhawaa ama jaarka xaafadaasi ahaa oo aanu wax ka waydiinay sida ay wax u dheceen ayaa noo xaqiijiy in aanay hooyada caruurta dhashay joogin guriga wakhtigaasi uu dabku qabsaday guriga sidoo kale waxa uu noo sheegay in ay caruurtu hurdeen wakhtiga uu dabku qabsaday.
gubasho3
Si kastaba ha ahaatee dabka qabsaday caruurtan ayaan ilaa hadda la garanayn cida ka dambaysay iyo halka uu ka dhashayba , waxaana wadanka ku soo badanaya gubashada guryaha danyarta ah iyada oo aanay Somaliland-ba lahayd dab-damisyo ku filan oo lagu badbaadin karo guryaha gubta.


gubasho4

No comments:

Post a Comment

talk about your opinion please