Monday, October 15, 2012

Ha Daawan hadaad awoodin : Labo Caruur ah oo ku gubtay Dab ka kacay Gurigooda ” SAWIRO"



 Posted By: samiir sa'eed warsam.(samiir nanagon)
Samiir.hacker@gmail.com
Alle ha u naxariistee Laba caruur ayaa ku naf waayey dab qabsaday guri aqal soomaali ah oo ku yaala xaafada sheekh madar ee degmeda gacan libaax, kuwaas oo gabi ahaanba jidhkoodu ku bas-beelay dabkaasi.
gubasho5
Labadan caruura ayaa magacyadoodu kala ahaayeen caydaruus Maxamed iyo C/rashiid Maxamed isla markaana da,dooda lagu sheegay shan jir ilaa sadex jir, waxaana markii dabkaasi uu qabsaday ka maqnaa guriga waalidkii dhalay awlaada, taas oo aan ilaa hadda la garanayn sababta dhalisay dabkan ay ku nafwaayeen caruurtaasi.
gubasho1
Hooyada dhashay caruurtaasi oo aanu kula kulanay cusbitalka guud ee magaalada hargeysa ayaanay noo suurto galin inaanu wax ka waydiino dareenkeeda ku aadan maadaama ay ubadkeedii ku naf waayeen dabkaasi qabsaday gurigeeda.
gubasho6
Mid ka mida dadkii ka ag dhawaa ama jaarka xaafadaasi ahaa oo aanu wax ka waydiinay sida ay wax u dheceen ayaa noo xaqiijiy in aanay hooyada caruurta dhashay joogin guriga wakhtigaasi uu dabku qabsaday guriga sidoo kale waxa uu noo sheegay in ay caruurtu hurdeen wakhtiga uu dabku qabsaday.
gubasho3
Si kastaba ha ahaatee dabka qabsaday caruurtan ayaan ilaa hadda la garanayn cida ka dambaysay iyo halka uu ka dhashayba , waxaana wadanka ku soo badanaya gubashada guryaha danyarta ah iyada oo aanay Somaliland-ba lahayd dab-damisyo ku filan oo lagu badbaadin karo guryaha gubta.


gubasho4

Saturday, October 13, 2012

Gabar Aan qaan Gaar ahayn oo caruur badan dhashay (daawo sawirada iyo caruurteeda)

Gabar Aan qaan Gaar ahayn oo caruur badan dhashay (daawo sawirada iyo caruurteeda

War bixino ay soo aruuriyeen hay’ado aan dooli ahayn ayay ku sheegeen in aad u siyaaday caruurta aan qaan kaarin ee lagu daro ninmanka da’ ahaan ka wayn lagana yaabana badankood in ayba dhali karaan.
Hay’adahaan ayaa ku xusay warbixinadooda liiska wadamo ay ugu horeeeyaan Yeman,India,Itoobiya iyo waliba afgaanistaan oo ay ku shegeen in ay yihiin wadamada lagu tacadiyo xuquuqda gabdhaha aan qaan gaarin islamarkaana xooga loogu daro nimanka iyagoo aad u yar .
.
Afkaanistaan kaliya ayay leedahay warbixinta in sanadihi u danbeeyay xoog lagu guuriyay 51 milayan oo gabdho aan qaan kaarin ah taas oo macneheedu tahay in 57 boqolkiiba gabdhaha wadanka afkanisstan lagu daro niman ayagoon da’dii guurka gaarin.
Ghulam oo sanadkii 2005 iyadoo 11 sano jir dhiganaysana iskool ay walidkeed si xoog ah uga dareen nin ka weyn ayaa sheegtay in waligeed ku haminaysay in ay noqoto macalimad lakiin ay mustaqbalkeeda mugdi kaliyeen walidkeed.
Dhanka kale Hindiya ayaa noqday wadanka kaliya ee la isku daro wiilasha aan qaan kaarin iyo gabdhaha aan qaan kaarin sida warbixintu sheegayso.
Dakhtar ku nool caasimada Yamen ee Sanca ayaa yari gabdhahan badankood waxa ay geeriyoodaan xiliga foosha madaama aysan iyadii oo aan korin oo cunug kale ku dhex koro caloosheeda taasina ay keento geerida.
Qaaramada midoobe ayaa u asteesay in Cktoobar 11 keeda noqoto malinta gabdhaha aduunka ,waxaana Muuqaalo lasoo bandhigay Muujinayaan caruur aad u yar yar oo Gbadho ah in loo guuriyay odayaal waayeelo ah.
Samiir Saeed Warsame (Samiir Gentleman)
Samiir.hacker@gmail.com








Saturday, July 30, 2011

Magaca iyo sawirka wiilka Soomaaliga ee ku dhintey Xasuuqii Norway ee jamcadii(Faahfaahin buuxda

Oslo(Puntlandi.com) Xasuuqii ay ku dhinteen 93 da qof ee ka dhacey magaalada Oslo iyo Jasiirada yar ee Utøya oo aan Oslo waxsaasa ka fogey ayaa waxaa kamid ahaa dadka dhintey  Ismail Haji Ahmed oo asal ahaan Soomaali ahaa, waxaa isna ka badbaadey oo la socdey Mohamed Abdi Farah oo loo yaqaaney Mo kuna soo caan baxey barnaamijka X factor ee  TV-ga Norway lagasoo deyn jirey.
Sawirada hoos ka daawo
Wiilkaan Soomaaliga ah oo kamid ahaa intii ka badneyd 650 Dhalinyadii xaflada ku dhiganayey Jasiirada Utøye ayaa Ninkii aadka u hubeysnaa ee Xasuuqa ku geystey Jasiirada uu diley isaga iyo dhalinyaro toboneeyo ah oo isku meel joogey, inkastoo tirada jasiiradaas ku dhimatey ay aheyd in ka badan 85 qof oo mudo sacado gudohood ah uu halkaas nin ku toogtey.
Ninka dilka geystey oo ahaa nin xagjir mintid ah kana tirsanaan jirey xisbiga xag jirka ah wuxuu Xasuuqaan qorsheynayey in ka badan 9 sabo, isagoo bilowgii u horeeyey bilaabey inuu u tabaabusheysto xasuuquu geystey Jamcadii.
Wuxuu ogaa in Jasiirada Utøya ay ku shirayaan dhalinyarada Xisbiga Shaqaalaha ee talada wadanka haya,si uu jaanis fiican ugu helo Xasuuqa wuxuu bileyska iyo Ciidamada Abniga ku mashquuliyey Bomb uu gacantiisa ku sameyey oo 560 kilo ah wuxuu ku qarxiyey sar ku taal bartamaha Magaalada Oslo oo ay Dowlada wadanku degantahey, Ra’iisalwasaaraha Dalkana xafiis u ah, waxa agoobtaas ku dhintey 7 qof.
Ka dib wuxuu markiiba tagey Jasiirada si uu u xasuuqo dhalinayarda xaflada dhiganayey oo 650 kor u dhaafey, wuxuuna isagoo ku hubeysan qoryaha daran dooriga u dhaca uu diley 85 qof wuxuuna dhawacey in ka badan 90 kale.
Waxaa ilaa hada lawaysan yahey 5 dhalinyaro ah.
Waxa kaloo lala yaabey ninkaan wuxuu qorey sidii falkaan u bilaabey tabaabusheysigiisa laga soo bilaabo maalintii kowaad ilaa jamcadii oo aheyd maalintii kama dambeysta aheyd, waxeyna ku qaadatey sagaal sano  inuu isu diyaariyo Xasuuqaan, wuxuu maalin kasta qori jiey buug xasuus ah oo uu ku qorayo wuxuu maalintaas sameeyey, waxaa kamid ahaa Qoraalkiisa, waxaan maanta bilaabey inaa sameeyo waxyaabaha Qarxa, Waxaan soo gatey Qori, waxaan soo gatey oo internetka dalbadey maanta Baaruuda qaraxda oo aan ka dalbadey Polan. wuxuu qori jirey mudo sagaal sano ah falkasta oo uu sameeyo.
Waxaa qoraalkiisa kaloo kamid ahaa “Yurub maalin bay ka xoroobeysaa Islaamka, Waxaa Norway  2082 ka dhacaya  afgabi lagu sameynayo Dowlada waxaana dhalanya Kacaan ka xoreeya Dalka Islaamka, Yurub waxey ka xoroobi doontaa Islaamka
Buugaan oo inka badan 2000 oo warqadood ah waxaa ku qoran sidii u bilaabey inuu sameeyo Momb-ka, waxaa kaloo cajiib aheyd waxaa qoraalkiisa ka mid aheyd “qoraalkaan wuxuu qorey maalmo ka hor jamcadii wuxuuna yiri “Alla marbaan qaldami lahaa waxaan maanta ogaadey in qalad ku jiro fiilooyinka Bombka oo hadaan isku dayi lahaa inaan qarxiyo iimaba qarxeen lakiin maantaan saxey hadana waa diyaar ” wuxuu kaloo qorey “sixitaanka qaladkaas waa inaan u dabaaldagaa” wuxuu markaas tagey makhaayad qaali ah halkasoo uu kasoo cuney cuno fiican iyo dhalo qamri ah
Dadka ku xeel dheer Bomb-ka waxey sheegeen in hadii uusan ogaan laheyn qaladkaas uusan Bombku qarxeen halkaasna dad badan kuma dhinteen.
Bileyka Norway waxey sheegeen in sida uu wax u qorey ay sax aheyd oo uusan ka been sheegin. sagaalkaas sano oo uu usoo tabaabusheysanayey Xasuuqaan wuxuu ku soo koobey Qoraalkaan maalin ka maalin wuxuu sameyn jirey,Anders Behring Breivik wuxuu jirey xiliga uu bilaabayo Qorshaan 23 sano, hadana wuxuu jiraa 32 sano magaciisuna waa
www.samiirs-blogspot.com 
by: Samiir cenation
Newprisedent@hotmail.com


Sawirka falaartu ku tuseyso waa wiilka dhintey

Bidixda wiilka dhintey ee Soomaaliga ah midigna Saxiibkiis kale oo Soomaali ah oo ka badbadey
Sawiradaan hoose waa Anders Behring Breivik oo ah ninkii Xasuuqa axmaqnimada ah geystey










 

Tuesday, July 26, 2011

Haweenkii oo lagu direy macdanta ragga, haweenay nin ka goyesey xubinta ( +sawiro)

Haweenaydii labaad ayaa mudo 2 bilood ah waxay ka goysey nin xubinta taranka taasi oo noqonaysa weerarkii ugu dambeeyey ee haweenku ku hayaan macdanta ragga.

Haweenay u dhalatey wadanka Mareykanka ayaa ninkeedii ka goystey xubinta taranka (macdanta ragga) ka dib markii muran baaxad weyn uu dhexmarey, iyadoo waliba si arxan daran uga jartey xubintaasi ka dib markii ay ku xirxirtey sariir dabeedna ay ka jartey xubinta taranka iyadoo ku tuurtey goobta qashinka ama biyaha qaada ee jikada.
Dhacdadan oo ka dhacdey gobolka California  ee wadanka Mareykanka ayaa Booliisku waxay sheegeen in haweenaydaasi oo lagu magacaabo Catherine Kieu Becker, 48 ay ninkeeda oo ay isguursadeen bishii December ee sanadkii hore laguna magacaabao Becker oo 52 sano jir ah cuntada ugu dartey sun oo uu ku saaqmay taasi oo keentey in uu miyir doorsoomo ka dibna ay ka adeegato oo ay inta gacmaha iyo lugaha sariirta ugu xir xirtey raf ka siisey xubinta taranka (macdanta ragga), iyadoo waliba qashinka sii raacisey xubnintaasi oo qoynteeda ay u adeegsatey midni dhirirkeedu ahaa 10-Inchi.
Ciidamada Booliiska deegaankaasi oo halkaasi gaarey ka dib dhacdadan ayaa waxay la kulmeen haweenaydaasi waxaana ay tiri  “Taasi oo wuu u qalmaa” ayuu ahaa hadalkii ugu horeeyey ee laga soo xigto Catherine Kieu Becker oo degan deegaanka Garden Grove oo ku dhaw magaalada Los Angeles.
Lt Jeff Nightengale, oo ka tirsan Booliiska Garden Grove ayaa u sheegay saxaafada in ninkan & xaaskiisa macdan la’aanta dhigtey ay ku balansanaayeen in ay is furan.
Catherine  ayaa markii ay hubsatey in Becker ay macooyo la’aan dhigtey waxay wacdey Booliiska iyadoo dhacdada ku wargalisay una sheegtey in ay taasi tahay “wax uu istahaailo”.

Saraakiisha Booliiska oo gaarey  guriga dhacdadu ka dhacdey ayaa sheegay in u tageen dhibanaha oo xir xiran isla markaana xaga hoose ee jirkiisa dhiig badani uu ku qabanayo.
Catherine ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo lagu eedeyanayo adeegsi hub dhimasho sababa & ku kac fal aad xun, waxaana la filayaa in maxkamad la soo taago.
Qof ka mid dariska qoyskan is halakeeyey ayaa u sheegay saxaafada in haweenaydaasi aanay ula muuqan qof falkaaski ku kacaya ayna ula muuqatey ruux caadi ah.
Mr Becker ayaa la sheegay inuu haatan ku jiro qaybta xaalada deg deg ah ee isbitaalka deegaankaasi waxaana la sheegay in xaaladiisu ay aad u liidato.

Wiil sanad jir ah oo 34 farood lugaha & gacmaha ku leh (Sawirro)

Hooyadiis Amrita Saxena oo 38 sano jir ah markii ay aragtey wiilkeeda oo si farxad leh uga soo baxay oo u dhashay caafimaad qab aad ayay u muujisay farxad ay dareentey, laakiin waxay candhuufta dib u liqday oo ay yaab & amakagaa ka soo harey markii ay aragtey wiilkeeda oo leh  faro ka saa’id ah faraha caadiga ah ee bini’aadamka.
Wiilkan oo lagu magacaabo Akshat wuxuu ku leeyahay gacmaha min 7 farood halkii caadiyan uu u yeelan lahaa min shan farood, waxaana lugaha uu ku leeyahay min 10 farood.
“Aad ayaan ugu faraxay markii aan arkay wiilkeena, waayo wuxuu ahaa ilmaheenii ugu horeeyey, laakiin markii aan arkay farahiisa faraha badan aad ayaan u naxay ula yaabay” ayey tiri haweenayda wiilkan dhashay Mrs Saxena.
Wiilkan ayaa la sheegay in uu dhibaato ku qabo istaagitaanka sida ay sheegeen waalidiintaas, waxaana la sheegay in haatan loo fidinayo daaweyn dhanka caafimaadka ah.
Daawo Sawirrada:

Dr PP Kotwal oo ka shaqeeya xarun caafimaad oo wiilkan waalidkiis ay keeneen ayaa sheegay in xaalada wiilkan uu ku dhashay ay tahay mid aan inta badan dhicin, waxaana uu ku macagaabay polydactyly.

Tuesday, July 12, 2011

Yar Soomaali oo uureeyey Xaaska aabihiisa


Waxaa  magaalada Dalac ee dalka Yeman  ka dhacay todobaad ka hor dhacdo la yaab leh taasoo ka fajacisay Soomaalidii ku nooleed dalkaasi,
Magaalada Dalac gaar ahaan Xaafadda oo ay Soomaalida u  badanyihiin ayaa waxaa ka dhacay qiso ka fajicisay kadib markii wiil uu uureeyay eedadiisa aabahiis qabay,
Muddo lix bilood ka hor Aabe Soomaaliyeed oo deganaa magaaladaas ayaa safar  shaqo waxa uu u aaday magaale kale ee lagu magacabo Al Qayda oo ku taalla isla dalkaasi,
Wiil uu dhalay Aabe Axmed  oo ahaa dhalinyaro oo aan magaciisa u qarinay sababo ceeb jirta awgeed ayaa waxa uu bilabay inuu damaaciyo eedadiisa aabihiisa qabay oo aheyd mid aad u qurxoon soo jiidasho badan dhan walba iyadoo la isu helay waqti guriga lagu kaliyoobo,
Wiilkaas ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuulay siduu ku hanan lahaa eedadiisa ayaa bilaabay inuu hadalo kaftan iyo waji farxadeed kula dhaqmo mudo iyadoo markii dambe uu dhexmaray isfaham kadib bilaabay baashaal,
Lix bilood kadib ayaa waxaa ka yimid safarkiii shaqo Aabe Axmed waxa uu arkay xaaskiisa oo calool yar leh kadib shaki weyn ku dhashay isaga oo yaaban ayaa waxa uu geeyay rug caafimaad waxaana loo sheegay inay xaaskiisa Uur dhowr bilood leedahay,
Odaygii oo qabay sonkor iyo dhiig kar ayaa isla goobtii jooga ugu dhacay kadib Cisbital galay iyadoo maalmo kadib markii uu meyrka yeeshay waydiyay su,aalo ah yaa Uurkan kuu yeelay ?
Xaaskii ayaa ka biyo diiday inay sheegto qofka ka dambeeyay arintaan fajacisada ah dood iyo dagaal kadib ayaa waxa uu Aabe Axmed waydiyay caruurtii yareyd ee uu dhalay,
Gabar ka mid ah caruurti weyneyd oo la socotay jeceylka qarsoodiga ah ee ay wadaageen walaalkeed iyo hooyadeed aya si lama filaan ugu sheegtay Aabahed oo dhahday ,Aabe waxa habeenkii sariirtada ku ciyaari jiray walaalkeey iyo hooyo taasoo cajiib ku noqotay Aabe Axmed oo ku soo dhacday inuu wiilkisa cel celis ahaa balse uusan fileynin inuu u daba maryeeyo xaaskiisa qaaliga aheyd,
Odaygii oo yaaban  ayaa isla goobtii ku furay xaaskiisa u dhashay caruur badan waxa uuna eryay habaarna farqaha ugu shubay wiilkiisa iyadoo eededii sheydaanka qaaday ee wiilkeeda la galmootay iyo wiilkii aabahiise godkiisa u daba maryeey ay laba wado ka  kala baxeen,
Aabe Axmed oo iminka ku nool magaaladaas heysta  caruur hooyadood beerta gashay iyadoo xaaskii uu furay iminka joogta xaafadda Basaatiin gaar ahaan meelaha ay naagaha  meelaha ay ku noolyihiin dumarka Soomaalida ee balwada leh,
Dalka Yeman oo ay Soomaalida u badanyihin ayaa waxaa ka dhacay dhowr jeer qisooyin la yaab leh iyadoo Wariyaha Alcarabiya ee dalkaasi Siraaj Soomaali ballan qaaday inuu soo bandhigi doona qisooyin kale oo la yaab leh maalmaha soo socda,
By: Samiir sa'eed warsame
Email:newprisedent@hotmail.com